Israel-RisaalaFM- Warbaahinta gudaha ee dalka Israel ayaa daabacday in xabsi ku yaalla magaalladda Saxaronim ee Koonfurta Israel shalay oo Isniin aheyd laga sii daayay dad ka badan 200 oo Muhaarijiin ah, kuwaasi oo ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Eritrea iyo Sudan.
Dadkan la sii daayay ayaa waxa ay isugu jiraan Rag iyo Dumar oo ay ku jiraan Caruur, waxaana in la sii daayo amartay Maxkamadda Sare, kadib markii Xukuumadda ay heshiis la gashay wadan kale, kaasi oo ku saabsan martigelinta Qaxootigan.
Sidoo kale Maxkamadda Sare ee Israel ayaa waxa ay amartay in la hakiyo mudo 15 maalmood ah musaafurinta Muhaajiriintan, ilaa laga helayo qorshe cad oo ay ku bixi karaan dadkan, iyada oo aanay ku jirin si qasab ah.
Hay’adda Socdaalka ee dalka ayaa warbaahinta u xaqiijisay dadka laga sii daayay Xabsiga Israel in ay gaarayaan 207 qof, kuwaasi oo qaarkood ay sheegtay in ay la kulmeen ciqaab intii ay ku jireen xabsiga, waxaana ay tilmaamtay in hada ay ku jiraan xarun lagu daryeelo Qaxootiga.
Muhaajiriinta sharci darrada ku jooga dalkaasi iyo kuwa u dooda xuquuqda Muhaajiriinta ayaa waxay sheegeen in khatar ay ku tahay dadka Muhaajiriinta ah hadii wadamadooda dib loogu celiyo iyada oo aysan jirin qorshe cad oo lagu maareyn karo, maadaama ay tilmaameen in weli ay jiraan dhibaatooyinkii ay ka soo carareen.
Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay in uu isbedel deg deg ah ku sameyn doono kala bar dadka sharci darada ku joogo dalka, isaga oo tilmaamay in arrintaasi ay Xukuumadda kala kaashan doonto Hay’adaha UN-ka.
Khamiistii, Uganda waxay sheegtay in ay ka fiirsanayso codsi ka yimid Israel si ay u qaadaan 500 oo muhaajiriin ah, kuwaasi oo sifo sharci darro ah ku jooga dalka Israel, maadaama Uganda ay ka mid tahay wadamada Afrika ee martigeliya Qaxootiga.