Somaliland oo Aqoonsi ka raadinaysa Britain

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaa magaalada London kula kulmay xubno ka mid ah baarlamanka UK.

Wasiirka ayaa sheegay inuu kala hadlay halka ay Somaliland siyaasadeedu ku wajahan tahay, gaar ahaan wixii ka dambeeyey doorashadii madaxtinimada ee Somaliland ka dhacday Nofembar 2017.

Sacad Cali Shire ayaa sidoo kale tilmaamay in ay muhiim tahay in dowladda UK ay aqoonsato Siyaasadda Somaliland.

Waxaa uu la kulmay xildhibaano ka tirsan dowladda Uk oo uu kala hadlay sidii Somaliland loo taageeri lahaa, islamarkaana loo aqoonsan lahaa.

Waa socdaalkii ugu horreeyey ee wasiirku uu Britain ku tago tan iyo markii uu hogaanka qabtay Muuse Biixi Cabdi.