Home Caalamka Singapore oo fashilisay qalab casri ah oo imtixaanka lagu qisho

Singapore oo fashilisay qalab casri ah oo imtixaanka lagu qisho

SHARE

Dowladda Singapore ayaa ku dhawaaqday in ay fashilisay qalab cusub oo casri ah kasoo loogu tala galay in lagu qisho Imtixaanada dalkaasi.

Macallimad reer Singapore ah ayaa qiratay in ay lix ilmood oo Shiinays ah ka caawisay in ay khiyaamaan imtixaankii 2016kii, taasoo oo dacwad oogeyaashu ay ku sheegeen arrin aad looga soo baaraan dagay.

Tan Jia Yan ayaa imtixaanka shay iyada oo si shaqsi ah isu diiwaangalisay markii imtixaanka laga qaadayay ayayna muuqaal ahaan u wacay iyadooo ardaydii kale jawaabaha u akhrinaysa.

Ardayda ayaa marka ay imtixaanka galayeen watay taleefoon iyo sameecadaha yaryar oo dhagaha la gashado oo aan fiilo lahayn oo loo ekaysiiyay maqaarka ardayda.

Tan ayaa Isniintii qiratay 27 dacwadood oo khayaano la xiriira.

Imtixaanaadka ayaa ahaa nooca O-levels loo yaqaanno oo caadiyan laga qaado ardayda 16 jirka ah. Saddex ruux oo kale ayaa wajahaya dacwado noocaas oo kale ah.