Shirkadda gaadhiyada samaysa ee Mitsubishi ayaa qiratay in ay ka been sheegtay hanaanka lagu tijaabiyo isticmaalka shidaalka arrintaasna ay soo socotay tan iyo 1991-dii.
Qirashadani waxay timid kaddib markii todobaadkii hore la shaaciyay in ay ka beensheegtay macluumaadka shidaal isticmaalka in kabadan 600,000 oo gaadhi oo laga iibiyay Japan.
Madaxwayne ku xigeenka shirkaddaasi Ryugo Nakao ayaa sheegay in ay qaabkan ku isticmaalayeen suuqyada dalkaas tan iyo 1991-dii.
Wuxuu hadalkaasi ka sheegay in shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Tokyo maanta (Talaaado).
Inta nooc ee arrintani ay saamaysay ayaan la ogayn ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Wuxuu sheegay in aysan sawir buuxa ka haysanin waxa dhacay ayna isku dayayaan in ay go’aan ka gaaraan arrintaas.
Saamiyada shirkadda ee Tokyo ayaa hoos u sii dhacay 10% talaadadan , taas oo ka dhigaysa in saamiyadii shirkaddu ay hoos u dhaceen 50$
Shares fell a further 10% in Tokyo on Tuesday, bringing the slide since the scandal erupted to almost 50%.