Home Wararka Shirkadda DP-World oo lagu wareejiyay Dekadda Boosaaso

Shirkadda DP-World oo lagu wareejiyay Dekadda Boosaaso

SHARE

Boosaaso-RisaalaFM- Kadib Munaasabad ka dhacday Dekadda Boosaaso ayaa maamulka Puntland waxay maanta si rasmi ah u wareejisay Maamulka Dekadda Boosaaso, waxaana lagu wareejiyey Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta ee lagu magacaabo ee DP-World.

Xaflad kooban oo Guddaha Dekadda ka dhacday Waxaa goobjoog ahaa Masuuliyinta Gobalka Bari kan degmadda iyo Odayaasha Gobalka Bari iyo qaybaha kala duwan ee Ganacsatada.

Masuuliyiinta Wasaaradda Dekedaha iyo Amniga Baddaha ayaa sheegay in waxa la wareejiyey ay tahay dhismaha Dekeda ee aysan aheyn howlaha maamul ee Dekedda.

Dhawaan ayey ahayd markii Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) uu saxiixay heshiiska dhismaha iyo dib u habeynta Dekedda magaalada Boosaaso, kaas oo ku kacaya aduun gaaraya 336 Malyan oo Dollar, waxaana la dhisayaa Deked cusub oo dhererkeedu yaahy 450-M.