Beydhabo-RisaalaFM- Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa maanta la filayaa in lagu soo gaba gabeeyo magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Shirkan ayaa maalinkii 3-aad ka socda magaalada Beydhabo waxaana looga hadlayaa Doorashooyinka sanadkan la filayo in ay dalka ka dhacaan, arimaha amaanka, Isbedelka Dastuurka, Qoondada Haweenka dowladda la dhisayo ay ku leeyihiin iyo arimo kale.
Gaba gabada shirkan ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobo muhiim ah, iyadoo Madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ay si weyn uga hadleen arimaha Doorashooyinka, Qorshaha Amniga Qaranka, waxaana ay isla ogolaadeen arrimo fara badan.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday in aysan markale dhici doonin kala aragti duwanaansho iyo khilaaf soo kala dhexgala Madaxda dowladda.
Wariyaheena Siid Cali Muuse Maxamed oo ku sugan magaalada Beydhabo ayaan arimahaasi ka wareysanay.