Shirka amniga Qaranka oo Madaxtooyadda ka furmay

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa goor dhaw waxaa ka furmay Shirka amniga Qaranka oo uu Shir Guddoominaayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Shirkaan oo ay ka qayb galayaan madaxda dowlad Goboledyada dalka ka jira, ayaa diirada lagu saaraya arrimaha ammaanka dalka iyo wixii qabsoomay intii u dhaxeysay Shirkii kan ka horeeyay.

Shirkaan oo goor dhaw ka furmay madaxtooyadda Soomaaliya ayaa la og yahay kaliya Ajandihiisa inuu yahay amniga Qaranka iyo madaxda inay kala warqaataan.

Shirka oo qorshaha uu yahay Berri in la soo gaba gabeeyo, ayaa la filayaa in laga soo saaro warmurtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wada hadleen madaxda.

Duqa Muqdisho C/raxmaan Cismaan Yariisow ayaa ka qaybgalaya Shirkaan, kaasi oo matalaya Gobolka Banaadir.

Madaxda dowlad Goboledyada dalka ka jira iyo madaxda dowladda ayaa isugu yimaada shirarka noocaan oo kale ah oo ay kaga hadlaan arrimaha ammaanka.