Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta oo Berri Furmaya

Shirka Hogaamiyeyaasha Jaamacadda Carabta ayaa lagu wadaa in uu berri ka furmo caasimada  dalka Mauratania ,waxaana ka qeyb galayaa hogamiyeyaal badan oo ka socda Wadamada Jamacadda carabta.

Shirka qodobada looga hadlaayo, waxaa ka mid ah khilaafka u dhaxeeya wadamada Sacuudiga iyo ,Iraan ,dhibaatooyin ay la kulmayaan Falastiniyiinta, dagaalada ka socda, Yemen  iyo Libaya iyo xaalada guud ee Soomaaliya.

Warbaahinta Caalamka oo soo xiginaysa madaxda ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in wadamada Jaamacadda carabta ay si buuxda u taageeri doonto Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale qodobada Hor u dhac ah  ee laga heelaayo kulanka berri ka furmaya dalka Mauratania ayaa sheegaya in wadamada Jaamacadda Carabta ay codsi u gudbin doonaan Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobe ,kasoo ku aadan in cuna qabateynta hubka laga qaado dalka Soomaaliya, madaam ay dowladda Soomaaliya dagaal culus kula jirto Al-Shabaab.

Wakaalada Wararka ee dalka Kwait ayaa sidoo kale ku warameysa in qodobada looga hadlaayo shirka ay Soomaaliya uga jirto kaalmaha Hore.

Si kasta ahaatee Shirka Hoggaamiyayaasha Dowladadaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagu wadaa inuu  berri oo Isniin ah ka furmo  dalka Mauratania