Home Wararka Shil khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

Shil khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Shil khasaare gaystay, ayaa saaka ka dhacay degmadaasi gaar ahaan wadada Taleex, kadib markii uu rogmaday gaari xamuul ah.

Gudduumiye kuxigeenka dhinaca ammaanka iyo siyaasadda degmada Hodan ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in shilkan yay ku dhaawacmeen ilaa Saddex qof oo shacab ah.

Wuxuu sheegay dadkii dhaaacmay in loo soo gurmaday oo la geeyay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho, balse wuxuu tilmaamay mid ka mid ah xaaladiisa in ay daran tahay.

Wadooyinka Muqdisho oo ah hadda kuwa intooda badan nadiif ah oo la sameeyay, ayaa gaadiidka waxa ay ku socdaan xawaare dheereeya, taasi oo xilliyada qaar keenta in Baabuurka shil uu galo.