Shiinaha ayaa maanta si rasmi ah u furay saldhig miltari oo uu ku leeyahay dalka Jabuuti, kaas oo ah kuu ugu horreeyay uu dalkaasi ka dhiso dibedda, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Shiinaha ayaa billaabay dhismaha saldhigan sanadkii la soo dhaafay.
Shiinaha ayaa sheegay in saldhigaas uu gacan ka gaysan doono nabad ilaalinta iyo gargaarka banii’aadannimo ee Afrika iyo Galbeedka Aasiya.
Waxaa kale oo saldhigaas loo adeegsan doonaa is kaashi milatari, dhoolatuska ciidamma badda iyo hawlaha samato bixinta, sida ay ku warrantay Xinhua oo ah wakaaladda wararka ee Shiinaha.
Waxaa la sheegay in saldhiga Jabuuti uu ka dhashay “wadahadallo saaxiibtinimo” oo dhexmaray labada dal. Warar horana waxay sheegeen in dhismaha saldhigu uu billawday sannadkii hore.
Inkastoo jabuuti uu yahay dal yar , waxaa haddana saldhig milatari kol hore ku lahaa Maraykanka, Japan iyo Faransiiska..
Dalal badan ayaa danaynaya Jabuuti iyaga oo ugu xilanaya in ay ku taallo marin aad mashquul u ah oo ay maraakiibtu adeegsadaan iyo in uu dalkaasi yahay mid dagan oo ku yaalla gobol aan xasiloonayn.
XIGASHO: BBC