Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay Go’aankii dhexdhexaadka ahaa ee dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay Khilaafka dowladdaha Khaliijka.
War uu kusoo qoray Bartiisa Bulshadda ayuu ku sheegay in uu ahaa Go’aankaasi mid lagu deg degay.
Warkiisa ayaa sidaan u qornaa.
ASC WALAALAYAAL
Go’aanka xukuumadda Soomaaliya ay ka qaadatay arrimaha Khaliijka waxa uu iila muuqdaa mid lagu degdegay oo aan ka tarjumayn masaaliixda dalkeenna, waxaana shaki ku jirin in dalalka Sucuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn oo aan la leenahay xiriir qoto dheer oo dhan siyaasadeed iyo mid ganacsiba leh aan loo burburin karin kaliya dowladda Qadar oo aan ognahay heerka ay ka taagan tahay taageerada dalkeenna.
Waxaan madaxda dowladda kula talinayaa iney dib u eegis ku sameeyaan go’aankooda, islamarkaana ay wadatashiyo kala yeeshaan Golayaasha qaranka iyo maamulada xubnaha ka ah dowladda dhexe ee dalka, ayna ilaaliyaan danaha istiraatiijiga ee aan la wadaagno dowladahaas.
MAHADSANIDIIN