Kooxda Tottenham ayaa caawa booqaneysa naadiga B Dortmundo, labada koox ayaana lagu sheegaa iney yihiin isku kubad.
Kahor kulankan labada koox ayaa kaalmaha labaad uga jira horyaalada dalkooda, kulankooda ayaana noqonaya mid xiiso badan.
Tababaraha Kooxda Dortmund ayaa kulanka caawa kku tashanaya weeraryahanadiisa Aubameyang, Reus iyo Mkhitaryan.
Waxaase uu keydka uga soo tagay ciyaaryahanada kala ah Sahin iyo Kagawa, halka uu sidoo kale shaxda caawa ka maqan yahay Gundegan.
Dhanka kooxda Tottenham waxaa caawa ka maqan weeraryahankooda Harry Kane, taas oo ka dhigan in Son, Eriksen iyo Chadli ay weeraka ka ciyaaraan.
Tababaraha Tottenham ayaa sidoo kale keydka uga soo tagay Dembele, Walker iyo Lamela.
Shaxda Dortmund: Weidenfeller, Durm, Piszczek, Bender, Hummels, Schmelzer, Weigl, Castro, Mkhitaryan, Reus, Aubameyang
Keydka: Burki, Sahin, Ginter, Leitner, Ramos, Subotic, Kagawa.
Shaxda Tottenham: Lloris, Trippier, Alderweireld, Wimmer, Davies, Carroll, Mason, Onomah, Son, Eriksen, Chadli.
Keydka: Vorm, Carter-Vickers, Walker, Bentaleb, Dembele, Lamela,