Qaar kamid ah shaqaalaha ajaanibta ee ka shaqeeya dalka Sacuudiga oo tiradooda lagu sheegay 1302 ruux ayaa 6 biloodii ee sanadkan 1437 hijriga ku islaamay waqooyiga magaalada Riyadh.
Wakaalada wararka ee Sacuudiga oo soo xignaysa ku xigeenka madaxa xafiiska tacliinta,dacwada iyo hanuuninta Cabdulxakiim Aljasar ayaa sheegtay in dadkan soo islaamay ay ka kala yimaadeen 20 dal oo kala duwan.
Dalalka ay kasoo kala jeedaan shaqaalahan qaatay diinta Islaamka ayaa kala ah:-
Germany,Italy,Netherlands,America,Britain,Madagascar,China,India,Philippines,Srilanka,Uganda,Nepal,Kenya,Vietnam, Ghana,South Africa,Nigeria,Eritrea iyo Ethhiopia.