Shacabka Turkiga ee ku nool lix dal oo Yurub ah ayaa billaabay in ay codkooda ka dhiibtaan aftida, ayadoo ololihii arrintaasi ku saabsan uu sababay muran caalami ah.
Dadka ayaa u codeynaya haddii ay doonayaan in Turkiga uu ka wareego awoodda baarlamaanka oo la kordhiyo midda madaxweynaha, taas oo xoojineysa madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.
Qiyaastii seddax milyan oo qof ayaa ka cokooda ka dhiibanaya dibadda Turkiga, kala bar ka mid ah waxay ku nool yihiin Jarmalka.
Laakiin ololaha siyaasadeed ee dalalka qaar ayaa Turkiga laga hor istaagay.
Tallaabadaasi ayaa sababtay qilaaf xoogga oo kala dhex galay Turkiga iyo dalalka qaar ee Yurub.
Madaxweyne Erdogan ayaa Jarmalka iyo Holland ku eedeeyay in ay u dhaqmayaan sida Naazigii oo kale.
Dalka Switzerland waxaa Axaddii lagu qabtay olole lagu taageerayo in “maya” loogu codeeyo isbedelka dowladda ay sameyneyso.
Ololahaas oo kumannaan qof ay ka qeybgaleen waxaa hor kacayay Kurdiyiinta.