Muqdisho-RisaalaFM- Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka hadleen khilaafka ka dhextaagan Baarlamaanka Golaha Shacabka oo garab ka mid ah ay gadaal ka riixeyso Xukuumadda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.
Qaar ka tirsan shacabka Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen inay diyaar u yihiin in ay heshiiyaan Guddoonka Baarlamaanka, xaaladana hoos loo dhigo, si howsha ay u socoto.
Waxa ay sheegeen in shacabka Muqdisho ay daneynayaan in arrintan xal laga gaaro, waxay sidoo kale tilmaameen in muhiim ay tahay in xiisadan wada hadal lagu dhameeyo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayay ka dalbadeen inuu soo farageliyo xiisada taagan, cidii sharciga ku xad gubeysa uu wax ka qabto, cidii sharciga ku toosana uu garabsiiyo.
Dad badan ayay lama filaan ku noqotay in Baarlamaanka dhexdiisa uu ka bilowdo Mooshino iska soo horjeedo maadaama horay loo arki jiray Xildhibaano Mooshin ka keenay Ra’isal Wasaaraha iyo Madaxweynaha.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee dhaliilsan Xukuumadda ayaa ku tilmaamay Mooshinka Jawaari inuu yahay mid boor isku qaris ah oo ay Xukuumadda ku dooneyso inay ku jahwareeriso howlaha Baarlamaanka iyo la xisaabtanka Xukuumadda.
Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ayaa labo u kala jabay, waxaa hal dhinac ah Guddoomiye Jawaari iyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad Mahad Cawad, halka Guddoomiye ku xigeenka 1-aad C/wali Muudey uu dhinac kale yahay.
Lama oga meesha ay ku dambeyn doonto, waxaase muuqata in xaalad fowdo iyo qalalaase uu galay Golaha Shacabka, taas oo laga yaabo inay saameyn ku yeelato Kulamadii Baarlamaanka.