Baay-RisaalaFM- Sida ay sheegayaan wararkaga inaga soo gaaraya degaano ka tirsan Gobolka Baay dagaal khasaare dhaliyay ayaa waxa uu dhexmaray Ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab.
Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa weerar jidgal ah u dhigay Ciidamo ka tirsan Dowlad Goboleedka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku socdaalayay wadada xiriirisa degmooyinka Bardaale iyo Qansax-dheere oo ka tirsan Gobolka Baay.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa Idaacadda Risaala u sheegay goobta uu dagaalka ka dhacay in ay ku arkeen Meydadka dhowr qof kuwaasi oo ay sheegeen in aysan kala garaneyn halka ay ka kala tirsan yihiin.
War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen in weerarkaasi ay ku dileen ilaa Saddex Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Koonfur Galbeed, waxay kaloo Shabaab sheegeen in ay soo furteen Saddex Qori oo AK-47 ah.
Saraakiisha Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Maamulka degaanka uu weerarka ka dhacay weli kama aysan hadlin weerarkan Shabaab ay sheegeen in ay ku dileen Askar ka tirsaneyd Maamulkaasi.
Al-shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah waxa ay la beegsadaan fariisimaha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin degaanada Maamulkaasi, iyada xilliyadaasi uu dhexmaro dagaallo khasaare geysta.