Shabaab oo toogtay 3 nin

Shabaab oo toogtay 3 nin

SHARE

J/Dhexe-RisaalaFM- Shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxa ay Saddex ruux ku toogteen magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada dhexe.

Fagaare ku yaala magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada dhexe waxaa shalay gelinkii dambe lagu toogtay saddex ruux oo laba ka mid ah ay ku kaceen fal isku galmoosho ah halka midka kalena ay ku eedeeyeen in uu la shaqeynayay Ciidanka Itoobiya.

Maxkamadda Shabaab ee Gobolkaasi ugu qaabilsan ayaa sheegtay in Saddexdan nin lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii ay ku cadaadeen dambiyadii lagu soo oogay.

Saddexda nin ee ay Shabaabka toogteen ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Isxaaq Abshiroow oo 20 sana jir ah iyo C/Risaaq Sheekh Cali oo 15 Jir ah ayaa lagu eedeeyay in ay ku kaceen fal isku galmoosho ah iyo Saciid Max’med Cali oo lagu eedeeyay jaajuusnimo.