Shabaab oo Madaafiic ku garaacay saldhig Ciidan

J/Hoose-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa tiro Madaafiic ah oo ururka Al-shabaab ay ku garaaceen saldhigga Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin degaanka Hoosingow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaafiicdan oo tiro ahaan gaarayay ilaa Shan Hoobiye ayaa la xaqiijiyay laba ka mid ah in ay ku dhaceen saldhigga Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay ku leeyihiin degaanka Hoosingow.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa sheegay Madaafiicdaasi in ay ka dhasheen khasaare ugu yaraan laba ka mid ah Gaadiidka yaallay xarunta Ciidanka in ay gubteen.

Wararka ayaa waxa ay sheegeen in Madaaficdan ay ka dambeeyeen oo ay soo tuuraan Guutada jugta culus ee ka tirsan ururka Al-shabaab, kuwaasi oo xerada Ciidanka la eegtay.

Xoogaga ururka Al-shababa ayaa inta badan xerooyinka Ciidanka AMISOM ay ku leyihiin Gobolada dalka kuweerara Madaafiic, mararka qaar ka dhasha khasaare.