Ururka Al-shabaab ayaa ka hadlay Duqeyn Taliska Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) uu sheegay inuu ka fuliyay degaanka Buur-ceelcade oo u dhaxeeya Diinsoor iyo Buurhakaba ee Gobolka Baay.
Taliska Mareykanka ayaa sheegay Duqeyn Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay ka fuliyeen Gobolka Baay barkhanimadii maanta in lagu dilay 100 Dagaalame oo ka tirsan Shabaab.
Afhayeen u hadlay Shabaab ayaa wuxuu sheegay inaanay jirin Duqeynta Mareykanka ay sheegeen in nay ka fuliyeen Gobolka Baay wax khasaare ah oo lagu gaarsiiyay Dagaalyahanada Shabaab.
Wuxuu kaloo sheegay Afhayeenka u hadlay Shabaab warka ka soo baxay Mareykanka inuu yahay mid been abuur ah oo aanay waxba ka jirin.