Shabaab oo Jamaame ku toogtay laba nin

Ururka Al Shabaab ayaa fagaare ku yaalla Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Dhexe, waxa ay ku toogteen laba ruux oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen Jaajuusiin, sida maxkamada Al Shabaab ee Degmada Jamaame ay sheegtay.

Qaadiga maxkamada Shabaab ee Degmada Jamaame, ayaa meel fagaare ah oo boqolaal ruux ay ku sugnaayeen kaga dhawaaqay in labadan ruux ay yihiin jawaasiis la shaqeysa Maamulka Axmed Madoobe, sidaasi awgeedna maxkamada ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Labada ruux ee dilka lagu xukumay, sidoo kalena lagu fuliyay oo aanan helin qareen difaaca, maadaama maxkamada Shabaab aysan laheyn qareeno dadka difaaca xukunkoodana uu yahay hal dhinac, ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray ragga la toogtay Ibraahim Abuukar Farxaan oo da,diisu aheyd 27 sano jir iyo Siidii Axmed Muxamed Maadey oo da,diisu aheyd 26 sano jir.

Ciidamo ka tirsanaa Al Shabaab oo u diyaarsanaa toogashada raggaasi ayaa durba rasaas ku boobay labadii dhalinyarada aheyd oo tiir ku xirnaa, kuwaasi oo ku geeriyooday goobtii.

Al Shabaab ayaa dilal toogasho ah ku fuliya dad kala duwan oo ay ku eedeeyaan inay xiriir la leeyihiin Maamulada dalka ka jira iyo Dowladaha reer Galbeedka.

Dilalka ugu badan ee toogashada Shabaabka ay fuliyaan ayaa wuxuu ka dhacaa Gobolka Jubbada Dhexe oo Saldhiga ugu weyn Shabaab ku leeyihiin.