Wararka naga soo gaaraya degmada Runirgood oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xoogaga Al-shabaab ay dagaal kula wareegeen gacan ku heynta degmada Runirgood.
Dagaalka ayaa bilawday kadib markii ay magaalada ku soo rogaal celiyen dagaalamayaal ka tirsan Al Shabab oo shalay magaalada ay kala wareegen ciidamada dowlada.
Shabaabka waxa ay sheegteen ku dhawaad 20 Askari inay dagaalkaasi ku dileen, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen gaadiid dagaal oo ciidamada Dowladda ay lahaayeen.
Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa wali ka hadlin la wareegtaan Al-shabaab degmada Runirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.