Shabaab oo Ciidamo cusub soo bandhigay “SAWIRRO”

Shabaab oo Ciidamo cusub soo bandhigay “SAWIRRO”

SHARE

Sh/Hoose-RisaalaFM- Shabaab ayaa soo bandhigay ciidamo cusub oo ka howlgalaya degaanka Kuunya Barow oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose, kadib markii munaasabad ciidamadaasi lagu soo bandhigaayay halkaasi lagu qabtay.

Ciidanka cusub ee Shabaab ay soo bandhigeen ayaa ah kuwa loo yaqaan (Xisbada), ciidankaan ayaa ka howlgalaya degaanka Kuunya Barow, waxaana la sheegay inay ka hortagayaan dadka Aflaanta xun xun kuwata taleefoonada.

Guddoomiyaha Shabaab ugu magacaaban Gobolka Shabeellaha Hoose Sheekh Abuu Usaama ayaa madasha ka sheegay in loo baahan yahay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada.

Waxa uu sheegay ciidankaan inaysan dhibaateyn doonin Bulshada, balse ay fari doonaan wanaaga, islamarkaana loo baahan yahay inay ka hortagaan wax kasta oo xumaan ah.

 

shabaab-2 shabaab-3 shabaab-5 shabaab-4 shabaab-6 shabaab-1