Kabtanka kooxda Real Madrid Sergio Ramos ayaa sheegay in kooxdiisa ay isku dayi doonto in ay sii wado taariikhda ay samayneyso ka dib markii xili ciyaareedkii 2016-17 rikooro badan dhigtay.
Real Madrid ayaa kula dagaalamaya horyaalka La Liga kooxda Barcelona xilli ciyaareedkii hore, halka ay sidoo kale noqdeen kooxdii ugu horeysay ee xilligaan casriga ah difaacata Champions League ka dib markii Juventus ay ku garaaceen finalkii dhacay bishii la soo dhaafay.
Ramos, ayaa si kastaba ha ahaatee, waxa uu shaaca ka qaaday in Los Blancos aysan nasan doonin ilaa ay sameeyaaan guushii xilli ciyaareedkii 2016-17oo kale,
kooxda ka dhisan Madrid ayaa bilowday diyaaar garowga ka horeeya xilli ciyaareedka soo socda, waxaana safari ciyaaro ay ku tagi doonta USA.
Inlasii wado taariikhda waa muhiim, waxaan soo laaban doonaa anagoo ka xoogan sidii hore,” Ramos ayaa u sheegay Marca.
“Waxaan halkan joogay sanado badan, xamaasad badan ayaa dareemay maalintii ugu horeysay ee aan u ciyaaray kooxda, inaan ku guuleysto koobab, inaan xirto maaliyada kooxda adduunka ugu fiican waa wax nafsadeyda ku weyn.
Sanad kasta aad ayuu noogu wanaagsan yahay , waxaan rajeynayaa bilow fiican inuu noo ahana doono xili ciyareeedka dambe.
“Sannadkan waxaan bilaawnay maskaxda deg deg ah, waxaan ku guuleystay horyaal, Hawsha had iyo jeer waxaa loo baahan yahay in ay sii socato ayuu hadalkiisa ku daray
Ramos, oo 31 jir ah, ayaa dhaliyay 10 gool 43 kulan oo uu u saftay Real Madrid xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, daafaca dambeedka dhexe ayaa 68 gool u dhaliyay kooxdiisa tan iyo markii uu kaga yimid 2005 kooxda Sevilla.