Home Ciyaaraha Sergio Aguero Oo Go’aaan Ka Gaaray Mustaqbalkiisa Manchester City

Sergio Aguero Oo Go’aaan Ka Gaaray Mustaqbalkiisa Manchester City

SHARE

Weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero ayaa rajeynaya inuu sii joogo kooxda Premier League hogaamineysa ilaa 2020ka, waxaana uu sheegay in mustaqbalkiisa uu ku jiro gacmaha kooxda City.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa lagu soo waramayaa in aqbalay sii joogista Etihad Stadium, inkastoo warar xan ah ay sheegayaan inuu doonayo ka tagista City.

Aguero oo dhaliyay 13 gool 17 kulan oo Premier League uu kasoo muuqday xilli ciyaareedkan, waxa uu sheegay inuusan wax dhibaato ah kala kulmin tababare Pep Guardiola kadib markii shaki la geliyay mustaqbalkiisa kooxda.

“Waxaan heystaa qandaraas ilaa sannadka 2020ka ah, waxaan qabaa inuusan jirin culeys weyn,” ayuu yiri Sergio Aguero ka dib markii xalay kooxdiisa 3-1 kaga badisay Watford.

“Runtu waxaan rajeynayaa inaan arko qandaraaskeyga oo dhamaanaya iyo guulo badan oo aan la gaaro City ayuu hadalkiisa ku daray.

“Sida iska cad qorshaheyga ma ahan inaan bedelo mustaqbalkeyga City, had iyo jeer waxaan diyaar u ahay inaan diirada saaro guusha kooxda ayuu yiri Sergio Aguero.

Kaliya Harry Kane oo 18 gool dhaliyay, Mohamed Salah oo dhaliyay 17 iyo Raheem Sterling oo 14 gool dhaliyey ayaa ka goolal badan Aguero oo 13 gool ka dhaliyay Premier League xilli ciyaareedkan.

City ayaa 15 dhibcood oo nadiif ah ku hogaamineysa horyaalka Premier League kdib 22 kulan oo la ciyaaray.