Home Ciyaaraha Saxiixa cusub ee Man Utd Victor Lindelof oo cubka geliyey xiddigaha Paul...

Saxiixa cusub ee Man Utd Victor Lindelof oo cubka geliyey xiddigaha Paul Pogba

SHARE

Victor Lindelof ayaa Isbuucii lasoo dhaafay dhammeystiray heshiis ku kacay 31 milyan oo ginni oo uu kula soo biiray kooxda Manchester United ee 20ka jeer hanatay horyaalka England Premier League.

Daafaca u dhashay dalka Sweden ayaa wuxuu rajeynayaa inuu tababaraha Manchester United Jose Mourinho u ogolaan doono inuu waajibaadka tuurista laadadka xorta ah (Free-kick duties) uu la qeybsado xiddigaha qadka dhexe Paul Pogba iyo Juan Mata.

Ninka reer Sweden wuxuu ka garab ciyaari doonaa Eric Bailly marka laga hadlaayo waajibka dhanka daafaca, balse wuxuu ka dhowrayaa Jose Mourinho inuu ku abaalmariyo awooddiisa dhanka laadadka xorta ah, sida laga soo xigtay majaladda Manchester Evening News.

Lindelof wuxuu haatan isha ku hayaa inuu noqdo mid ka mid ah xiddigaha laadadka xorta ah, maadaama uu yahay mid ku fiican tuurista laadadka xorta ah sida Paul Pogba, Marcus Rashford iyo Juan Mata.

Victor Lindelof  ayaa wuxuu u sheegay MUTV: “Xoogaa waan ku wanaag sanahay tuurista laadadka xorta ah, haddii aan helo laad xor ah waxaan u maleynayaa inaan shabaqa dhex dhigi doono”.

Lindelof ayaa asxaabtiisa cusub ee Man United wuxuu la kulmi doonaa 8da bisha July yadoo wixii intaas ka dambeeya ay kooxdu aadi doonto ciyaaro saaxiibnimo oo ay kusoo ciyaareyso dalka Mareykanka.