Shir Looga Hadlayay M/Hawada Soomaaliya oo Nairobi Lagu Qabtay.”Sawirro”

Shirkan lagu soo gaba gabeeyay magalada Nairobi ayaa waxaa looga hadlayay ariimaha hawada Soomaaliya iyo sidii maamulka hadawa soomaaliya oo mudo dhowr iyo 20 sano ah laga hagayay dalkani kenya loogu wareejin lahaa gacanta Dowladda Somaaliya,isla markaana dib Soomaaliya loogu celin lahaa shaqaalaha Soomaaliyeed ee mudadaasi ka howl galayay xarunta oo aan helin xaquuqdii ay lahaayeen.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiinta hay’adda maamusha hawada soomaaliya ee ICOA,wasiir ku xigeenka wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada Xirsi Aadan Rooble ,Safiirka dowladda Soomaaliya ee dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan iyo gudiga baarlamaanka u qaabilsan gaadiidka iyo duulista hawada.

Safiirka Soomaaliya ee dalkani kenya mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa markii uu soo gaba gaboobay shirka waxa uu ka warbixiyay waxyaabihii ay kala hadleen mas’uuliyiinta hay’adda gacanta ku heysa maamulka Hawada Soomaaliya ee ICOA.

Danjiraha ayaa markii uu dhamaaday Shirka warbaahinta u sheegay in Soomaalida halkan joogta ay yihiin dad sharci daro lagu keenay oo labaatankii sano ee ugu dambeeyay ka shaqeynayay Kenya,iyagoo sharci iyo wax xaquuq ah lahayn,lacag fiican la siin nolol fiicana aysan qaadan oo ay u sii dheertahay hawadii Soomaaliya inay gacanta ku heyso hay’adda ICOA Taasoo meel ka dhac ku ah dowladnimada Soomaaliya.

“Waan la shirnay madaxdii hay’adaas wana u sheegnay inay sharci darro tahay in Soomaalida wadankooda laga keeno,hawadii soomaaliyana 2016 anagoo ku jirna wadan kale laga maamulo,waxayna noo sheegeen in wax hor taagan aysan jirin in maamulka hawada soomaaliya lagu dib loogu celiyo gacanta dowlada Soomaaliya,dibna shaqaalaha Soomaalida loogu celiyo dalkooda”Ayuu yiri safiirka.

Dowladda soomaaliya ayaa Dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxa ay dadaal dheer ugu jirtay sidii dib gacanta dowlada loogu soo celin lahaa maamulka hawada Soomaaliya oo mudo dhowr iyo 20 sano laga maamulayay dalkani kenya.

DAAWO SAWIRADA

1

3

4

6