Home Wararka SAWIRRO: Wasiirka Dastuurka oo gaaray Magaalada Baydhabo

SAWIRRO: Wasiirka Dastuurka oo gaaray Magaalada Baydhabo

SHARE

Wasiirka Dastuurka Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminaayo, ayaa goor dhaw waxa ay gaareen Magaalada Baydhabo ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed.

C/raxmaan Xoosh Jabriil iyo Wafdigii la socday, ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo, iyadoo intaasi kadib loo galbiyay madaxtooyadda.

Ujeedka safarka Wasiir Xoosh uu ku tagay Magaalada Baydhabo, ayaa wuxuu la xiriira qorshaha dib u eegista Dastuurka Soomaaliya oo muddooyinkii dambe Wasaaradda ay kala tashaneysay shacabka ku nool dowlad Goboledyada.

Koonfur Galbeed ayaa dhawaan sheegtay inay xiriirka u jartay Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya, kadib markii wada shaqeyn xumo ay ka tabteen.