Waxaa Goordhow Magaalada Muqdisho soo gaaray Wafdi uu hoggaaminayay Madaxa hay’adda qaxootiga Qaramada midoobe ee UNCHR Filippo Grandi.
Waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Muqdisho.
Wafdiga ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah Maxamed Cabdi Afeey oo ah ergeyga gaarka ee UNCHR u qaabilsan Geeska Africa.
Sababta ay u yimaadeen ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii ay u qiimeyn lahaayeen Xaaladda gargaarka ee Soomaaliya.