Home Wararka SAWIRRO: Risaala oo maalintii Saddexaad dhar ciid u iibisay 17 caruur oo...

SAWIRRO: Risaala oo maalintii Saddexaad dhar ciid u iibisay 17 caruur oo agooman ah

SHARE

Idaacada Risaala ee muqdisho ayaa maalintii Saddexaad  dhar Ciid u iibisay 17 Caruur oo ka mid ah caruurta agoonta ee ku nool gobolka banaadir.

Lacagaha dharka Ciida loogu iibiyay caruurtan agoonta ah ayaa waxaa bixiyay dhageystayaasha Idaacada Risaala.

Guddiga Barnaamijka afuri oo hel laba ajar iyo maamulka Idaacada ayaa isla qaatay go’aan ah in howlaha afurinta loo badalo ciidsiinta caruurta agoonta ah ee Muqdisho ku nool.

Barnaamijka ayaa waxaa logu magac daray caruurta agoonta ilinta ka tir, waxaana caruurta maanta la geeyay Carwo ka mid ah Carwooyinka Muqdisho ku yaalla oo si xur ah ay u dalbadeen dharka ay rabeen, welibo waxa ay doorteen caruurtan naqshadaha cusub ee sanadkan soo baxay.

Macalin C/weli Yaxye Cali ayaa dhageystayaasha Idaacada ka codsaday in inta ka dhiman Ramadaan ay dardar geliyaan barnaamijkan si caruur badan oo agoon ah loo ciidsiiyo.

Inta uu socdo barnaamijkan ayaa Idaacadu waxa ay qorsheysaneysaa in ay ciidsiiso caruur badan si farxada ula qeyb sadaan Caruurta kale ee waalidkooda ay joogaan.