Home Wararka SAWIRRO: Risaala oo maalintii labaad dhar ciid u iibisay 16 caruur...

SAWIRRO: Risaala oo maalintii labaad dhar ciid u iibisay 16 caruur oo agooman ah

SHARE

Idaacada Risaala ee muqdisho ayaa maalintii labaad  dhar Ciid u iibisay 16 Caruur oo ka mid ah caruurta agoonta ee ku nool gobolka banaadir.

Lacagaha dharka Ciida loogu iibiyay caruurtan agoonta ah ayaa waxaa bixiyay dhageystayaasha Idaacada Risaala.

Guddiga Barnaamijka afuri oo hel laba ajar iyo maamulka Idaacada ayaa isla qaatay go’aan ah in howlaha afurinta loo badalo ciidsiinta caruurta agoonta ah ee Muqdisho ku nool.

Barnaamijka ayaa waxaa logu magac daray caruurta agoonta ilinta ka tir, waxaana caruurta maanta la geeyay Carwo ka mid ah Carwooyinka Muqdisho ku yaalla oo si xur ah ay u dalbadeen dharka ay rabeen, welibo waxa ay doorteen caruurtan naqshadaha cusub ee sanadkan soo baxay.

Macalin C/weli Yaxye Cali ayaa dhageystayaasha Idaacada ka codsaday in inta ka dhiman Ramadaan ay dardar geliyaan barnaamijkan si caruur badan oo agoon ah loo ciidsiiyo.

Shalay  14 Caruur ee Agoonta ah ayaa loo iibiyay dharkii ay ku ciidi lahaayeen oo 13 ka mid ay ahaayeen gabdho ayaa iyaga oo aad u faraxsan u mahad celiyay maamulka, shaqaalaha iyo dhageystayaasha Idaacada Risaala.

Inta uu socdo barnaamijkan ayaa Idaacadu waxa ay qorsheysaneysaa in ay ciidsiiso caruur badan si farxada ula qeyb sadaan Caruurta kale ee waalidkooda ay joogaan.