Home Wararka SAWIRRO: Qarax Ismiidaamin oo duleedka Muqdisho lagula eegtay AMISOM

SAWIRRO: Qarax Ismiidaamin oo duleedka Muqdisho lagula eegtay AMISOM

SHARE

Qarax Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari ayaa degaanka Waydoow ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaa lagu eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan AMISOM.

Qaraxan ayaa wararka waxa ay sheegayaan in lala eegtay kolonyo ciidamada Amisom oo maraayay labaajada degaanka Waydoow, halkaasi oo la soo warinaayo inuu ka dhashay khasaare.

Gaariga qaraxa Ismiidaaminta loo adeegsaday ayaa noociisa wuxuu yahay NOAH, waxaana ka xeynaayay ruux naftii hure ah kaasi oo goobta ku geeriyooday.

Saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka oo la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in khasaare kale uusan ka dhalan qaraxaasi, marka laga reebo ruuxii waday gaariga ismiidaamiyay.

Goobta qaraxa Ismiidaaminta uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray Saraakiisha ciidamada ammaanka, waxaana ay xireen goobta iyadoo uu socdo Baaritaan.