Home Wararka SAWIRRO: Qaad lagu gubay Boosaaso

SAWIRRO: Qaad lagu gubay Boosaaso

SHARE

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan Ciidamada ammaanka  Puntland ayaa maanta fagaare ku yaala duleedka magaalada ku gubeen Jawaano Qaad ah.

Waxa ay sheegeen in Qaadkaasi uu si sharci darro ah loosoo galiyay Puntland, kadib markii xogtiisa heleen.

Ciidamada Ammaanka ee Boosaaso  waxa ay xaqiijiyeen in Qaadkaan in Puntland lagasoo galiyay dhinaca Soomaaliland.

Waxaa Qaadkaan uu u rarnaa ganacsato Puntland ah oo doonayay inay si qarsoodi ah kusoo galiyaan gudaha magaalada Boosaaso, iyagoo ka cararay in la canshuuro sidda ay xaqiijiyeen ciidamada Ammaanka.