Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta daah furay Barnaamijka Dariseynta Nabadgelyada Gobolka Banaadir oo lagu qabtay xarunta degmada Waaberi.
Waxaa kasoo qeyb galay Xafladda lagu furaayay Maamulka gobolka Banaadir, Wasiiro, Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha waxaa uu sheegay in maamulka gobolka Banaadir laga doonaayo in ay shaqo badan qabtaan, maadaama la doonaayo in la suggo Ammaanka Muqdisho.
Barnaamijkan looga gol leeyahay xaqiijinta ammaanka caasimadda oo muddooyinkii u dambeeyay dilalka ku soo badanayeen, waxaana todobaadkii hore kaliya Muqdisho lagu dilay dad ku dhow toban ruux.