Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Geelle Ducaalle iyo ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Cabdi Carabay ayaa gaaray Caasimadda dalka Jabuuti.
Sababta ay halkaasi u gaareen ayaa lagu sheegay in ay tahay wadahadalada Galmudug iyo Ahlusunna.
Urur goboleedka IGAD ayaa sheegay in ay ka shaqeyn doonaan sidii loo mideyn lahaa Galmudug iyo Ahlusunna.
Mas’uuliyiin ka socota maamulka Ahlusunna ayaa sidoo kale lagu waddaa in ay gaaraan dalka Jabuuti Maanta.