Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in ay Cadaalad u raadinaayaan Wasiirkii hore Howlaha Guud Cabaas Sheekh Cabdullaahi Ziraaji oo Muqdisho lagu dilay ayaa waxa ay sheegeen in ay la kulmeen Madaxweyne Farmaajo.
Xildhibaanaddaan ayaa waxa ay sheegeen in Madaxweynaha ay kala hadleen sidii Caddaaladda loo marsiin lahaa Askarigii ka dambeeyay dilka Cabaas.
Xuseen Maxamuud oo ka mid ahaa Xildhibaanadii la kulmay Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in kulankii ay la qaateen Madaxweynaha uu fashil iyo Natiijo xumo kusoo dhamaaday.
“Kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo 50 kii xildhibaan ee cadaalad raadintii Marxuum Cabaas Siraaji, wuxuu ku soo dhamaadey NATIIJO XUMO”
Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka socday Olole Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay ku doonaayeen in Caddaaladda la marsiiyo Askarigii ka dambeeyay dilka Marxuum Cabaas Ziraaji.