Home Wararka SAWIRRO: Kheyre oo Kormeeray qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho

SAWIRRO: Kheyre oo Kormeeray qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho

SHARE

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xasan Cali Kheyre ayaa xalay kormeer ku tagay qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana uu halkaasi kula kulmay Saraakiisha ciidamada.

Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ku wehlinaayay maamulka gobolka Banaadir iyo taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

“Waxaan caawa soo kormeeray qaar katirsan degmooyinka Magaalada Muqdisho si aan ugu kuurgalo xaaladda amni ee caasimadda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.