Home Wararka SAWIRRO: Dibad baxayaal rasaas lagu kala eryay

SAWIRRO: Dibad baxayaal rasaas lagu kala eryay

SHARE

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kala ceyriyay dad doonayay in ay ku hor Banaabaxaan Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Ciidamada dowladda ayaa dadkaasi kala ceyriyay,islamarkaana ku amray in aysan ku hor banaan bixikarin xarunta Golaha Shacabka.

Sidoo kale ciidamada ayaa la sheegay in ay rasaas ku rideen dadkii banaanbaxaayay.

Banaanbaxan oo ahaa mid siyaasadeysan oo lagu muujinaayay tageerada Dowladda, ayaa waxaa lagu soo beegay, iyadoo Baarlamaanka Soomaaliya ay maanta ka doodayaan Kiiska la xiriira C/kariin Qalbi Dhagax oo Dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay Dowladda Itoobiya.

Xukuumada Soomaaliya ayaa isku dayaysa qorshe kasta oo ay isaga yareynayso culeyska kaga imaanaya dhanka Baarlamaanka Soomaaliya.

Dadkii Shacabka ee Banaanbaxa dhigaayay maanta oo xaafado dhawr ah soo maray, ayaa markii lakala eryay ku kala tagay goobtaasi.