Home Wararka SAWIRRO: Al-Shabaab oo sheegay in ay isku soo dhiibeen Ciidamo ka tirsan...

SAWIRRO: Al-Shabaab oo sheegay in ay isku soo dhiibeen Ciidamo ka tirsan Jubbaland

SHARE

Al-Shabaab ayaa Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ku soo bandhigay labo Askari oo ay sheegeen in ay ka tirsanayeen Maamulka Jubbaland.

Waxa ay sheegeen Al-Shabaab in ay kasoo baxeen labadaasi Askari ciidamada maamulka Jubbaland.

Labo sarkaal ee Al-Shabaab ay sheegeen in ay kasoo goosteen maamulka Jubbaland kuwaasi oo kala ahaa Saad hayihii ciidanka Buulo gaduud oo magaciisa ku sheegay Isaaq Ibraahim Gurbaaniyo sarkaal kale oo dagaal galiye ahaa oo lagu magacaabo Xuseen Aadan Ibraahim oo ku magac dheer Miino.

Jubbaland weli kama aysan hadlin Ciidamadaan Shabaab ay sheegeen in ay kasoo goosteen dhanka Jubbaland.