Wararka ka imaanaya bariga dalka Afghanistan waxay tilmaamayaan in la dilay mid ka mid ah taliyeyaasha ugu cadcad ee Talibanka Pakistan.
Waxaa dilay laamaha ammaanka ee dalka Afghanistan.
Azam Tariq ayaa lagu dilay gobolka Paktika oo u dhaw xadka dalka Pakistan.
Wuxuu ahaan jiray afhayeen kii hore ee Talibaanka Pakistan, markii dambana wuxuu caan ka noqday qayb ka go’day ururka kaddib markii ay kala qaybqayb sameen saddex sano ka hor.
Toban ruux oo kale oo malayshiyada ka mid ah ayaa la dilay.
Taalibaanka Pakistan ayay waxyeello wayn soo gaartay tan iyo markii ciidammada Pakistan ay weerarro ku qaadeen xadka Afghanistan oo hoy u ahaa ururkaasi.