Home Caalamka Sarkaal Sare iskaga casilay Aqalka Cad

Sarkaal Sare iskaga casilay Aqalka Cad

SHARE

David Sorensen oo ah Xubin kale oo sare oo ka tirsan Aqalka cad ayaa ku dhawaaqay in uu  is casilay ka dib markii loo soo jeediyay eedeeymo la xiriiray tacadiyo uu u gaystay xaaskiisii hore.

David Sorensen,Waxa uu sheegay in uusan doonayn in uu caqabad ku noqdo maamulka madaxwayne Trump ,taasina ay tahay sabababta uu isu casilay.

Waxaa uu ahaa David Sorensen ninka Khudbadaha u qora Donald Trump.

Arrintan waxay bilaabatay todobaadkan ka dib markii ay so baxeen warar ku saabsan in xoghayaha shaqaalaha aqalka cad Rob Porter uu tacadiyo u gaystay labadiisa xaas.

Madaxwayne Trump ayaa fadeexadan ka dhigay mid sii jirta ka dib markii uu amaanay Mr Porter isaga oo aan cambaarayn ficilkiisa.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in uu shaqa wanaagsan qabtay balse uu wanaag u rajaynayo mar walba.

Mr Trump ma uusan carab baabin labadan haween ee eedeeynta soo jeediyay taasi oo ay dad badan ka caroodeen.