Muqdisho-RisaalaFM- Sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa VOA-da u sheegay in qaraxi ay dadka badani ku dhamaadeen ee Sabtidi ka dhacay Muqdisho uu bartilmaameedkiisu ahaa saldhigga ciidan ee ay Dowlada Turkiga dhawaan ka furtay magaalada Muqdisho.
Sarkaalkan oo diiday in magaciisa la xuso ayaa sheegay in macluumaadka ay ururiyeen tan iyo inti uu qarraxa dhacay ay tilmaamayaan in hadafku uu ahaa in saldhiga milatari ee ay Turkigu ku leeyihiin Muqdisho.
30-ki bishii September ayaa si rasmi ah xariga looga jaray saldhiga milatari ee Turkiga uu ka furay Muqdisho. Sida ay sheegtay Dowlada Turkiga, qorshaha ayaa ah in 200 oo sarkaal oo Turkish ah ay xerada ku tababari doonaan ilaa iyo 10,000 oo Askari oo Soomaali ah.
Dhinaca kalana, Agaasimihi hore ee Hey’adda Nabadsugida Qaranka Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi ayaa VOA-da u sheegay in bamkii lagu qarxiyay isgoyska Zoobe lagu soo diyaariyay dhul beera ah oo ku yaala duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Sidoo kale madaxii hore ee mukhaabaraadka Puntland Cabdi Xassan Xuseen ayaa isna sheegay in loo xaqiijiyay in baabuurka lagu fuliyay qarraxi ugu xumaa abid ee ka dhaca Soomaaliya uu ka yimid dhulka ay maamulaan Al-Shabab ee duleedka magaalada Muqdisho.
Saraakiisha amniga ee Dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ay su’aalo weydiinayaan darawalka baabuur Toyota NOAH ah oo isna Sabtidii hore ku qarxay magaalada Muqdisho, Waxay kaloo sheegeen in ay xireen Afar nin oo looga shakisanyahay in ay ka tirsanyihiin Al-Shabab isla markaana lala xiriirinayo qarraxii lagu baaba’ay ee Muqdisho.
VOA