Saraakiisha ciidanka xoogga oo sheegay dagaalkii Baar-sanguuni in ay ku dileen rag ka tirsan Shabaab

Kismaayo-RisaalaFM- Saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa ay sheegeen hawlgal ka dhacay deegaanka Baar-sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo in ay ku dileen in ka badan Labaatan dagaalame oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab.

Saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen in hawlgalkan ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka, kuwa Jubbaland iyo Ciidanka Mareykanka, laguna jabiyay Shabaabkii ku sugnaa deegaanka.

Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka General Ismaaciil Saxardiid oo la hadlay Idaacadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in lagu guuleestay howlgalkii ka socday nawaaxiga Baar-sanguuni, ciidamadana aanay jirin khasaare buuran oo dagaalkaasi ka soo gaaray.

Wuxuu sheegay inta uu hawlgalka socday in ciidamada ay u suuragashay in ay dib u soo celiyaan gacan ku heynta deegaanka, dibna looga saaray Shabaabkii deegaanka ku sugnaa.

“Ciidamada xoogga dalka oo taageero ka helaya ciidamo Mareykan ah ayaa ku guuleestay xureynta deegaanka Baar-sanguuni, waxaana deegaanka laga weeraray labo jiho oo ciidamada ku qabsadeen deegaanka, sidoo kale waxaan la wareegnay hub iyo saanad ciidan oo ay lahaayeen Al-shabaab.” Ayuu yiri Gen. Saxardiid.

General Ismaaciil Saxardiid Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ay nolosha ku qabteen rag Shabaab ah oo tiradooda ay ka badan tahay 10, kuwaasi oo la qabtay inta uu hawlgalka socday.