Jose Mourinho ayaan ku qanacsaneyn saxiixa Mesut Ozil , inkastoo wararka xanta ah ay la xiriirinayaa xiddiga Jarmalka ah inuu u dhaqaaqo Old Trafford.
Warar soo baxayay toddobaadkaan ayaa sheegayay in Mourinho xiriir la sameeyay ciyaaryahanka Arsenal oo uu qandaraaskiisu dhacayo xagaaga soo aadan.
Waxa uu diyaar u noqon doonaa haddii uusan saxiixin heshiis cusub inuu beeca xorta ah ugu biiro kooxdii uu doono, taasoo dhabar jab ku ah Gunners.
Laakiin The Sun ayaa sheegeysa in Mourinho uusan ku qanacsaneyn saxiixa xiddiga Ozil oo uu u arkayo nin aan laheyd dheeli tir isku mid ah.
Kubadsameeyaha Jarmalka iyo macalin Jose Mourinho ayaa waqti kusoo wada qaatay kooxda Real Madrid, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan in markale ay ku midoobi doonaan labada shaqsi garoonka Old Trafford.
Si kastaba ha ahaatee, Ozil ayaa weydiistay haddii uu sii joogayo Arsenal £ 330,000-toddobaadkii, halka Gunners diyaar ay ula tahay 250 kun oo ginni isbuucii.