Sababta John Terry uu heshiiska ugu kordhiyay Chelsea oo la ogaaday

Wargeyska  Daily Mail ee ka soo baxa Dalka England ayaa ogaaday in Kabtanka Chelsea John Terry uu yareeyay mushaarkiisa uu ka qaadan jiray Kooxda waxaana taas loo sababeeyay isagoo doonaya inuu mustaqbalkiisa ciyaareed ku soo gaba gabeeyo magaalada London iyo kooxda uu waayaha fiican ku qaatay ee Blues.

John Terry ayaa aqbalay inuu qaato mushaar dhan isbuucii £90,000 waxaana hada la hubi inuu noqon doono dooq uu soo xusho macalinka cusub ee kooxda Antonio Conte.

Terry ayaa waayo wanaagsan ku qaatay Blues wuxuuna ka mid yahay halyeeyada ugu wanaagsan ee Naadiga.