Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanta Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaalliya Cali Maxamed Geedi iyo Guddiga Dib u Heshiisiinta Qaranka Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa wadatashi ku aadan sidii dalka looga hirgalin lahaa hanaanka dib u heshiisiinta Qaranka oo la dhexdhigo shacabka Soomaaliyeed qaarkood oo dirir ay ka dhaxeyso.
Gudoomiyaha Gudiga Dibu Hishiisiinta Qaranka Soomaaliyeed Ismaaciil Macalin Muuse ayaa waxa uu sheegay in degaano hoosyimaada Gobalada Gal-Gaduud iyo Shabeelaha Hoose ay ugu dambeysay meelaha ay ka dhaceen dagaalada.
Waxa uu sheegay in degaanada qaar oo hoosyimaada gobalka Shabeelaha Hoose ay ilaa iyo iminka ka tagan yihiin xaalado dagaal.
Cali Maxamed Geedi Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in Soomaaliya ay ka dhacdo Dib u heshiisiin Qaran oo loo wada dhan yahay.
Waxa uu sheegay in hadii dadka Soomaaliyeed ay iyaga dhexdooda heshiiyaan dhamaanayso dhibaatada.
Gudiga Dib u Heshiisiinta Qaranka ayaa waday tan iyo markii la dhisay dadaalo ku aadan daminta dagaal beeleedyada ka dhaca Soomaaliya.