R/wasaare Kheyre oo gaaray magaalada Baydhabo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay,waxaana si weyn u soo dhaweeyay Masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Ujeedada socdaalka Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ah u kuurgalka xaaladaha guud ee deegaanada Koonfur Galbeed iyo xogwareysiga bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo oo kulan gaar ah uu la yeelan doono.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale la kulmaya madaxda Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha iyo Ciidanka Xoogga Dalka ee kusugan deegaanadaasi.