Halyeeyada Manchester United iyo Arsenal Roy Keane iyo Lee Dixon ayaa shaaca ka qaaday sida ay ugu faraxsan yihiin qaabka xilli ciyaareedkan kusocda tartanka Champions League.
Liverpool iyo Roma ayaa usoo gudbay semi-finalka tartankaan habeenka talaadada ka dib guulo ay ka gaareen Manchester City iyo Barcelona.
Dhanka kale, Real Madrid ayaa gaartay afar dhamaadka kadib guul muran dhalisay oo ay ka gaareen Juventus, halka Bayern Munich ay kaoso gudubtay Sevilla.
Kooxda Zinedine Zidane ayaa ah kooxda ugu cadcad inay koobkan qaado, laakiin Dixono ayaa aaminsan in Liverpool ay ka fiican tahay koox kasta oo ku lug leh tartanka.
Liverpool ayaa fursad weyn u heysatay inay qaato tartanka sabab la xiriirta seddexda weeraryahan, “ayuu yiri falanqeeyahaan oo la hadlayay ITV Sport.
“Xitaa haddii ay la ciyaaraan Real Madrid qof kasta waa ogyahay in Liverpool tahay koox tarami karta.
Dhinaca kale Keane ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo iyo Madrid yihiin kooxda ugu cadcad ee ku guuleysan karta tartanka.
“Kaliya waxaan siin lahaa sadaasha koobkaan Real Madrid sababtoo ah waxay heystaan Ronaldo” ayuu yiri Kane.