Daawo Khasaaraha ka dhashay Roobkii xalay iyo Maanta ka da’ay Muqdisho

Daawo Khasaaraha ka dhashay Roobkii xalay iyo Maanta ka da’ay Muqdisho

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda xalay fiidkii ilaa xilli dambe waxaa ka Da’ay Roobab ay ku qabowsadeen shacabka, waxaana saakay dadka ay ku soo tooseen iyada oo dhulka uu Qoyan yahay.

Dadka reer Muqidsho ayaa saakay ku soo toosay iyada oo Magaalada uu Roob ka Da’ay, waxaana Roobka uu biyo dhigay qaar ka tirsan wadooyinka waa weyn, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday.

Sidoo kale Wadooyinka qaar ayaa waxaa ka muuqda burbur xoogan oo uu u geystay Roobka, Baabuurta xitaa wadooyinka si dhib badan ayay ku isticmaalayaan.

Dadka qaar ee ku nool Duleedka Muqdisho oo la hadlay Risaala ayaa waxa ay sheegeen Roobkii xalay in uu saameyn weyn ku yeeshay, maadaama ay degan yihiin Guryo ka sameysan cowshado.

Waxa ay Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ka dalbadeen in ay gar gaar dhan walba ah la soo gaaraan.

Gobolada dalka ee qaarkood Abaaraha ay ka jiraan ayaa waxaa ka Da’ay Roob ay dadka ku nimceesteen, maadaama Abaaro xoogan ay ka jiraan dalka.

Gobolada dalka gaar ahaan Koonfurta iyo Degaanada Puntland waxaa laga soo wariyay in ay ka Da’een Roobab ay ku nimceesteen dadka iyo Duunyada.

 

PHOTOS:- Ahmed Abshir Geeddi

m1 m2 m3 m4 m5 m6 m7