Wararka naga soo gaaraya waqooyiga gobalka Gedo ayaa sheegaya in ay halkaas roobab ka curteen.
Deegaanada ay roobabku ka curteen ayaa la sheegaya in ay kamid yihiin meelihii ay biyo la’aantu ka jirtay.
Qaar ka mid ah dadka kunool waqooyiga gobolka gedo ayaa warbaahinta u sheegay in roobab lagu diirsatay laga helay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo.
Gaariga xamuulka ah ee u kala goosha degmooyinka mandeera iyo baladxaawo ayaa la sheegaya in ay sameyn ku yeesheen isku socodka uuna roobku biya dhigay wadooyinka.