Cristiano Ronaldo ayaa inkaastoo uu tartan kala dhaxeeyo Lionel Messi haddana waxa uu carabka ku adkeeyay in uu jiro ixtiraam labada dhinac u dhaxeeya, inkastoo uu cadeyay inuusan jiro xiriir saaxibtinimo oo ka dhaxeeya.
Xiddiga Real Madrid iyo dhigiisa Barcelona heysatay tirada ugu badan ee abaalmarinta Ballon d’Or iyagoo kala qeybsanayay siddeed sano ee la soo dhaafay.
Waxaa jira dood socota oo ku saabsan kan wanaagsan labada ciyaaryahan, laakiin Ronaldo ayaa qiray in uusan jirin qaraar u dhexeeya labada ciyaryahan.
“Waxaa jira is tixgelin weyn oo noo dhexeeysa aniga iyo Messi,” ayuu 31-jirkaan u sheegay Coach Magazine. “Warbaahinta waxay jecel yihiin in ay sameeyaan tartan weyn, laakiin taas hadda nooma muuqato anaga.
“Manihin saxiibo isku fiican, laakiin waxaa jira ixtiraam noo dhaxeeya labadeena ayuu yiri laacibka Real Madrid Cr7.”